Warbixinta Dhaso ee Daryeel

Mustaqbalka Dhaso iyo Daryeel

Deegaanka Dhaso waxay udhaxaysaa Ceelwaaq iyo Ceelcade.
waxayna afartan kilow mitir(40km) ujirtaa degmada Ceelwaaq.
degmada Dhaso waa magaalo mudo dheer soo jirtay ,oo qadiimi ah,soona martay heerar kala duwan oo loo degaameeyey.
walow dadka deeganku ay ubadan yihiin xoolo dhaqato
hadana waxaa jira bararug badan oo ah dhanka magaalaynta
degmada dhaso,taas oo xoogga lagu sarayey dhanka tacliinta, caafimaadka
iyo baahiyaha aas aasiga sida ceelbiyoodyo iwm.

2013-kii waxaa laga hirgaliyey school hose dhexe kaas oo ay hirgalintiisa
ay isku hawleen dad deeganka dhaso kasoo jeeda kuwaas oo la kaashaday hay’ado
ka hawl gala gobolka Gedo.
Sidoo kale horaantii sanadkaan 2015-kii waxaa laga hirgaliyey ceelbiyood
ceelkaas oo ay gacanta ku haysay hayad laga leeyahay dalka talyaniga (italy)
oo lagu magacabo Coper. Inkastoo ladhamaystiray ceelka hadana biyihiisu sidii
larabay aysan noqon sida wararka ay sheegayaaan biyhii laga gaaray ceelkaas
waxay noqdeen kuwo qaraar ah, wuxuuna u baahanyahay ceelku in mar labaad
lagu daro mitirka lagu garay biyaha, Si looga gudbo qararka biyo macaanna loo gaaro.

Taasna waxaa looga fadhiyaa dadka deeganka iyo Hay,ada Daryeel oo kaashaneysa deeqbixiyeyssha ku taba ruca umadooda kuna sadaqeysta inay ka qeyb qaataan una istaagaan si wax looga bedelo xaalada Waxbarashada iyo Biyaha ee deegaanka mustaqbalka dhow.

Daryeelrelief &Education Org) waa hay,ad la aasaasey daba yaaqadii sanadkii 2014 waxaana hawlgalkeedii ugu horeysey uu bilowdey 2015) waana hay,ad utaagan waxkaqabashada deegaanada laga soo sheego dhibaatooyinka iyadoo la fiirinayo laguna sameynayo daraasaad cilmi ku dhisan iyo hawlwadeenada daryeelrelief oo ku tegi doona kormeer iyo qiimeyn baahiyaha dhabta ah iyo xaalda deegaanka.
.
Sikastaba ha ahaatee deegaanka dhaso waaa meel saxo wanaagsan kuna haboon ku noolansho dhankasta ah,Sida beeraha oo laga hirgalinkaro iyo xoola dhaqashadii oo ay hodan ku tahay Degmadaas, hadaba Daryeel waxaa looga fadhiyaa inay la timaado,qorshe lagu hormarinkaro si nolosha dadka iyo deegaankaba wax looga bedelo.

caliqare22@gmail.com
+256794462830
+256777731180

11195459_670548636383042_1897373408_n

11207986_670548609716378_834026347_o

11195459_670548636383042_1897373408_n