Daryeelrelief oo bilowdey jamcinta Zakaatulfidriga 1436h.

Wargelin

Waxaa la ogaysiinayaa dhammaan bahda daryeelrelief, Midnimo & Waxqabad meelkasta oo ay joogaan in la bilaabayo uruurinta Sakaatul Fitriga la bixiyo bisha barakaysan ee Ramadhaan, taasoo lagu go’aamiyey kulankii 27kii bishan June 2015 ay yeesheen mas’uuliyiinta sare ee hay’adda Daryeelrelif, Midnimo iyo Waxqabad.

Kaddib markii la xaqiijiyey baahida lixaadka leh ee ka jirta deegaannada kala duwan oo hoostaga goobaha ay hay’adda daryeelrelief (Midnimo iyo Waxqabad) ka waddo hawlaha samafalka iyo adeegyada bulshada, islamarkaana loo qiyaaso saamiga sakaatul Fitriga ee raashin ahaan qofkasta laga rabo inta ay lacag ahaan noqon karto la uruuriyo, si loogu diro gudaha dalka, iyadoo Raashin loogu iibinayo dadweynaha tabalaysan ee deegaannadaas ku dhaqan.

Wuxuuna maamulka ha’ayddu ku boorinyaa dhammaan dadka samaha iyo khayrka jecel inay si buuxda uga qayb-qaataan uruurinta lacagahaas sakaatul fitriga, si ay walaalaheenna dan- yarta ahi noola wadaagaan farxadda iyo rayn-raynta maalmaha ciiddul fitriga ee nagu soo foolleh inshallaha.

Ugu dambayntii waxaa lagu wargelinayaa dhammaan fadhiyada daryeelrelief, midnimo iyo waxqabad inay lacagahaas ku uruuriyaan dadka loo idmaday ee ku kala sugan gudaha iyo dibadda dalka Soomaaliya, iyadoo lagu adkaynayo inay hawshaas si buuxda u qabsoonto inta ka horraysa 8da maalmood ee soonka ama ramadhaanka ugu sambaysa, si loogu diri lacagaha Sakaatul Fitriga goobaha loo qorsheyey .

Wa bilaahi Tawfiiq.

Maamulka Daryeelrelief, Midnimo iyo Warqabad.