Shirka Samatabixinta ee Midnimo iyo Waxqabad Degmada Saaxo.

Shirkan oo ay isugu yimaadeen Qeybaha bulshada kala duwan sida:Odoyaasha Dhaqanka,Culumaa,udiinka,Ganacsatada, Waxgaradka,Haweenka iyo Dhalinyarada ayaa waxaa looga hadley arimo badan oo bulshada deegaanka dan uwada ah.

Waxaa shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey bahweynta Midnimo iyo Waxqabad oo kaashaneysa bulshada rayidka iyo maamulka shirkan mid lamid ah ayaa hrey horey uga dhacay Degmada Caabudwaaq,Degmada Saaxo ayaa shirkan waxaa uu kasocdey mudo Laba maalood ah,waxaana laysku weydaarsadey fikrado iyo talooyin ku aadan Ajendaha shirkan oo ay soo qaban qaabisey Hay,ada Daryeelrelief oo astaanteedu tahay Midnmo iyo waxqabad.halkaasoo ay kasoo baxeen natiijooyin wax ku ool ah. waxaana ka hadley.

Shirka ayaa waxaa looga hadley arimo badan oo ay kamid ahaayeen sidii looga wada shaqeyn lahaa horumarinta Waxbarashada,Caafimaadka,Nabadgelyada iyo dhamaan kaabayaasha adeega bulshada.
Shirkan ayaa dadkii ka hadley waxay isugu jireen Wakiilada Midnimo iyo Waxqabad,Odoyaasha Deegaanka, Maamulka degmada, Haweenka iyo Dhalinyarada oo dhamaan tood wada taageero hiil iyo hooba inay lagarab istaagayaan balan qaadey ururka Daryeelrelief(Midnimo iyo Waxqabad) kuna bogaadiyey hawlaha ay horey uga qabteen deegaanka iyo deegaanada kaleba.

Waxaa halkaasi lagu dhagax dhigey xarunta hoyga waxbarashada Degmada Saaxo. oo ah (Boarding school), waxaana si wada jir ah udhagax dhigey Wakiilada Daryeelrelief iyo maamulka Degmada iyadoo ay si weyn usoo dhoweeyeen bulshaweynta reer Saaxo.

Masuuliyiintii kahadley shirkaasi waxaa kamid ahaa Sh.Cabdirisaaq Warsame,Maxamed Aadan (Sanweyne Gaanax),Dr.Khaliif Xasan iyo Gudoomiye kuxigeenka Maamulka degmada Mowliid Gorod iyo weliba qaar kamid ah waxgaradka iyo Ururada bulshada. Daawasho wacan.