Shirka Samatabixinta Midnimo iyo Waxqabad ee Deegaanka Dhabad.

Waxaa Shirkan soo qaban qaabiyey hay ada  Midnimo iyo Waxqabad wuxuuna ahaa kii sadexaad Laguna soo gaba gabeeyey Deegaanka dhabad..Shirkan oo ay kasoo qeyb galeen qeybaha bulshada sida Odoyaasha Dhaqanka. Culuuma udiinka, waxgaradka Haweenka,bulshada rayidka ah iyo Dhalinyarada.

Shirkan oo ujeedadiisu aheyd Horumarinta bulshada sida Waxbarashada Caafimaadka iyo Kaabayaasha adeega bulshada iyo midnimada umada in la ilaaliyo lagana hortago wax kasta oo keenaya kalataga iyo tafaraaruqa ayaa sidoo kale looga hadley inloo baahan yahay Suldaan Guud ee Maxamamed amaanreer uu yeesho.

Xafladan ayaa waxaa kahadley Wakiilka Daryeelrelief and Education Org. Maxamed Aadan sanweyne Gaanax,iyo waxgaradkii kasoo qeybgaley shirka Samatabixinta sida Odoyaasha,Ururka Hweenka Dhalinyarada iyo qeybaha kale ee bulshada.

Shirkan oo ay aad usoo dhoweeyeen Bulshada ku dhaqan Degmada Dhabad ayaa waxay taageero buuxda kusoo dhoweeyeen Daryeelrelief iyagoo uga hanbalyeeyey wax qabadkii ay horey uga geysteen degmada sida Dahameytirkii Hospitalka Degmada iyo weliba Ceelasha biyaha Degmada oo ay udiyaarisey inay dhowaan kuwareejiyaan Bamamka ceelka. sidoo kale waxay soo jeediyeen cidsiyo ay udirayaan Maamulka iyo Xubnaha Midnimo iyoi Waxqabad.

Daawasho wacan